U bood dhigaalka

Ciidamada Galmudug Oo Awood Kusoo Furtay Doonyo Lagu Haystay Xeebaha Mudug

Sheeko:Dalka

Ciidamada badda ee maamulka Galmudug ayaa weerar xooggan waxay ku qaadeen kooxo burcad badeed Soomaali ah, kuwaasi oo ku sugnaa xeebaha gobolka Mudug, islamarkaana haystay Labo doon oo midi ganacsi tahay.

Ciidamadan ayaa ku guuleystay in si awood ah kusoo furtaan doonyaha ay haysteen burcad badeedda, waxnaana saraakiisha ciidamada Galmudug xaqiijiyeen in sidoo kale ay soo furteen qaar kamid ah shaqaalihii saarnaa, qaarkoodna ay la baxsadeen burcadda.

C/naasir Diirshe Xalane, taliyaha howlgallada ciidamada Galmudug ayaa Goobjoog News, u xaqiijiyey in ciidamada Galmudug ay ku guuleysteen weerarkii ay ku qaadeen kooxaha burcad badeedda ee ku sugnaa xeebaha u dhow deegaanka Ceelhuur ee gobolka Mudug.

“Waxaa lagu guuleystay inaan soo furanno Labo doonyo oo mid ganacsi ay tahay, shaqaalihii qaar waxaa la baxsaday burcad badeedda, waana lagu raad joogaa, waxaan rajeyneynaa inaan soo qabanno, howlgalka wuxuu ahaa mid abaabul ah oo dhanka dhulka ah, laguna go’doomiyey burcad badeedda, qorshuhu wuu soconayaa illaa xalka ugu dambeeya la gaaro” ayuu yiri Xalane.

Burcad badeedda Soomaalida ayaa Todobaadkii tagay waxay Labo doon ku qafaasheen xeebaha gobolka Mudug, hase ahaatee ugu dambeyn doonyahaasi waxaa qabtay ciidamada Puntland.

Goobjoog News