U bood dhigaalka

Ciidamada Galmudug Oo Baadigoobaya Doon Lagu Soo Qafaashay Xeebaha Mudug

Sheeko:Dalka

Ciidamada maamulka Galmudug ee ku sugan degmada Hobyo ee gobolka Mudug ayaa bilaabay howlgallo ay ku baadigoobayaan doon ganacsi oo dhowaan koox burcad badeed ah kusoo qafaasheen xeebaha bari ee gobolka Mudug.

Wararka waxay sheegayaan in ciidamadan ay wadaan dhaqa dhaqaaqyo xooggan, waxaana ay doonayaan iney u jiheystaan halka looga sheegay in doonidan lagu haysto.

Maamulka degmada Hobyo ayaa sheegay in ay ku dadaali doonaan sidii ay kusoo furan lahaayeen doonidaasi.

Kooxaha burcad badeedda  ayaa doonidan oo ku socotay magaalada Kismaayo waxay ka qafaasheen xeebaha degmada Ceelhuur, iyadoo hadda la rumeysan yahay iney ku hayaan deegaanno aan ka fogeen degmada Hobyo.

Todobaad gudahiisa, kooxaha burcad badeedda ayaa qafaashay Labo doonyo ganacsi, waxaana mid kamid ah laga leeyahay doonyahaasi dalka India.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News