U bood dhigaalka

Ciidamada Galmudug Oo Dagaal Kula Wareegay Deegaanka Camaara Ee Gobalka Mudug

Sheeko:Dalka

Ciidamada maamulka Galmudug State ayaa maanta dagaal kula wareegay deegaanka Camaara ee gobalka Mudug, halkaasi oo Todobaayo kahor ay la wareegeen Al-shabaab.

Cabdikariin Maxamuud Maxamed oo ah Taliyaha Howlgalinta ciidamada Galmudug ayaa u sheegay Goobjoog News, in weerarkii maanta iyagu qaadeen, islamarkaana ay hadda ku sugan yihiin deegaankaasi.

Waxa uu tilmaamay in khasaare ay soo gaarsiiyeen ciidamada Al-shabaab, dhankoodana ay jiraan dhaawacyo ciidankooda soo gaaray.

Xaaladda deegaanka Camaara ayaa haatan ah mid deggan, waxaana la sheegayaa in ciidamadii Al-shabaab ee deegaankaasi ku sugnaa ay hadda joogaan deegaanno halkaasi ku dhaw.

Al-shabaab ayaa 2-dii bishaan Otober waxay la wareegeen deegaanka Camaara iyo sidoo kale deegaanka Bacaadweyne ee gobalka Mudug.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News