U bood dhigaalka

Ciidamada Galmudug Oo Dagaal Kula Wareegay Degmada Caabudwaaq

Sheeko:Dalka

Dagala u dhaxeeyay ciidamada maamulka Galmudug iyo Ahlu-sunna Waljameeca ayaa maanta waxa uu ka dhacay degmada Caabudwaaq ee gobalka Galgaduud, kaasi oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalkaasi ku dhintay 15 qof oo isugu jira dhinacyadii dagaallamay iyo dad shacab ah. Iyadoo dhaawaca uu intaasi ka badan yahay.

Dagaalka oo dhowr saacadood socday ayaa lagu soo waramayaa in ugu dambeyn gacan ku haynta degmada Caabudwaaq ay la wareegeen ciidamada Galmudug.

Ciidamada Ahlu-sunna ayaa banaanka looga saaray degmada Caabudwaaq, waxaana lasii maqlayaa rasaas dhacaysa.

Shacabka ku sugan degmada Caabudwaaq intii u suurta gashay waxa ay naftooda kala baxsadeen degmadaasi, maadaama dagaalka uu ahaa mid xooggan.

Saraakiisha Galmudug iyo kuwa Ahlu-sunna oo aynu xiriir la sameynay ayaan inoo suurta gelin, si aan wax badan uga weydiinno dagaallada dhacay.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News