U bood dhigaalka

Ciidamada huwanta iyo Al-shabab oo xalay ku dagaalamay Buulo-mareer

Sheeko:Dalka

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa AMISOM iyo Alshabaab ayaa xalay ku dagaalamay degmada Buulo-mareer ee gobalka Shabeellaha Hoose.

Dagaalkan oo ka dhacay fariisimo ku yaalla duuleedka degmadaasi ayaa wararka waxaa ay sheegayaan in labada dhinac uu khasaare aan la xadidin kala gaaray.

Xaaladda degmada ayaa saaka ah mid degan.

Ciidamada is garabsanaya ee dowladda Federaalka Soomaaliya iyo AMISOM ayaa 30-kii Agoosto si buuxdo ula wareegay degmada Buulo Mareer ee gobolka Shabeellaha Hoose ka dib markii ay dagaal culus kaga saareen Xoogaga xarakada Al- Shabaab.