U bood dhigaalka

Ciidamada huwanta oo maanta la wareegay Cadale iyo Wabxo

Sheeko:Dalka

Ciidamada is garabsanaya ee dowladda Federaalka Soomaaliya iyo AMISOM ayaa maanta oo arbaco ah la wareegay degmada Cadale ee gobolka Shabeellaha dhexe.

Ma jirto wax iska caabin ah oo ay ciidamada huwanta kala kulmeen xarakada Al-shabaab oo hore ugu sugnaa halkaas.

Ciidamada ayaa howl gallo ka sameeyay gudaha degmada kadib soo gaaritaankooda kaas oo ay ku soo qabteen tobanaan qof.

Shalay ayay ahayd markii ciidamada huwanta ay si buuxda ula wareegeen deegaanka Raage Ceelle oo 100 KM u jira Muqdisho.

Dhanka kale, ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa isla maanta Al-shabaab sidoo kale kala wareegay deegaanka Wabxo oo ka tirsan gobolka Galgaduud.

Deegaanka Wabxo waxaa la wareegay ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya oo ka ambabaxay saaka degmada Maxaas ee gobalka Hiiraan.

Saraakiisha dowladda ayaa sheegay in ay la kulmeen iska hor imaadyo yar-yar dabadeedna ay gudaha u galeen deegaankaasi.