U bood dhigaalka

Ciidamada huwanta oo si buuxda ula wareegay degmada Buulo Mareer

Sheeko:Dalka

Ciidamada is garabsanaya ee dowladda Federaalka Soomaaliya iyo AMISOM ayaa goor dhow si buuxdo ula wareegay degmada Buulo Mareer ee gobolka SHabeellaha Hoose ka dib markii ay dagaal culus kaga saareen Xoogaga xarakada Al- Shabaab.

wararkii u dambeeyay ee naga soo gaaray gobolka ayaa sheegaya in xoogaga Al-Shabaab ay muddo 8 saac difaacanayeen gacan ku haynta degmada Buulo Mareer, xilli ay dhowr jiho weeraro kaga soo qaadeen ciidamada dowladda Soomaaliya oo ay barbar socdaan kuwa AMISOM.

Abaanduulaha ciidanka dowladda Soomaaliya Jeneraal C/risaaq Khaliif Cilmi oo la hadlay raadiyaha ku hadla afka dowladda ayaa tilmaamay in ciimadu ay la wareegeen gacan ku haynta degmada Buulo Mareer.

Jeneraal Cabdirisaaq ayaa xusay in ciidamadu aysan wax khasaare ah ka soo gaarin howlgalkii maanta ay kula wareegeen degmada Buulo Mareer iyo deegaannada kale ee ku xeeran degmadaasi, waxaana uu intaa ku daray in ciidamadu ay sii wadayaan howlgallada dib gacanta dowladda loogu soo celinayo deegaannada ay kaga suganyihiin Al-shabaab.

Dhanka kale, abaanduulaha ciidanka dowladda ayaa hoosta ka xariiqay in howl gallo kan la mid ah ay ka socdaan gobolada SHabeelaha dhexe iyo Hiiraan si  la isugu furo waddooyinka u dhexeysa labada gobol, isagoo shaaciyay in saacadaha soo socda ay ciidamadu la wareegi doonaan deegaanno hor leh oo ka tirsan goboladaas.

Ciidamada huwanta ayaa aroortii hore ee saaka weeraro kula kallahay deegaanada u dhow Buulo Mareer oo ay sanado badan maamulayeen xarakada Al-shabaab.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa bishan ku dhawaaqday howl gal ay u magac dartay Badwaynta Hindiya , oo lagula dagaalamayo Al-shabaab.