U bood dhigaalka

Ciidamada Ilaalada Waddooyinka Puntland Oo Lagu Wareejiyay Mootooyin Casri ah

Sheeko:Dalka

Ciidamada ilaalada waddooyinka Puntland ayaa maanta waxaa lagu wareejiyay Mootooyin casri ah, ka dib munaasabad ka dhacday magaalada Garoowe.

Mootooyinkaan ayaa tiro ahaan ah 9, waxaana loogu tala galay in ciidamada Ilaalada waddooyinka ay u adeegsadaan shaqooyinka ay bulshada Puntland u hayaan.

Taliyaha ciidamada Booliiska Puntland Maxamed Saciid Jaqannaf ayaa halkaasi ka sheegay in Mootooyinkaan loogu tala galay in loogaga hor tago shilalka gaadiidka, sidoo kalena ay gacan ka geystaan in ay soo qabtaan gaadiidka sharci la’aanta ah.

“In muddo ah waxaan wadnay tayeynta ciidanka ilaalada waddooyinka Puntland, waxaan muddo Afar bil ah ku tababarnay 50 Askari, Mootooyinkaan waxaan ugu qeybinay ciidankaan in ay dardar geliyaan shaqadooda, sida shilalka, iyo gaadiidka aan sharciga lahayn, waxaa inoo suurta gashay in maanta aan si rasmi ah laanta ilaalada wadooyinka aan ku wareejino 9 Mooto” ayuu yiri Taliyaha Booliiska.

Mootooyinkaan ayaa si gaar ah waxa ay uga howlgali doonaan wadada dheer ee isku xirta Boosaaso iyo Gaalgacyo, ka dib markii ay sheegeen in halkaasi ay kusoo bateen shilalka.

Waxa sidoo kale ciidamada ay u sahlayaan mootooyinka in ay eryan karaan baabuurta inta dambiyada gasha cararta, islamarkaasina soo qaban karaan maadaamaa ay ka xawaare dheeryihiin.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada