U bood dhigaalka

Ciidamada Itoobiya Oo Faarujiyey Degmada Tiyeeglow, Bakool

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya degmada Tiyeeglow ee gobolka Bakool ayaa waxay sheegayaan in halkaasi ay faarujiyeen ciidamada Itoobiye oo shalay si horudhac ah u sheegay in degmadaasi ay ka bixi doonaan.

Sakay ayaa la arkay gaadiidka dagaalka ee Itoobiya iyo ciidankii ka joogey degmadaasi oo halkaa faarujinaya.

Waxaa degmadaasi la sheegay iney la wareegeen ciidamada Al-shabaab oo ku sugnaa meel aan sidaa uga fogeyn degmada Tiyeeglow ee gobolka Bakool.

Saraakiil ciidan oo u hadashay Koonfur Galbeed ayaa u xaqiijiyey warbaahinta in hadda degmada aysan ku jirin gacanta dowladda, islamarkaana halkaasi ay la wareegeen Al-shabaab.

Ma jiro wax dhaq dhaqaaq shacab ah oo ka socda degmadaasi, iyadoo Al-shabaab la sheegayo in  halkaasi howlgallo ay ka wadaan.

Warkaan  wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News