U bood dhigaalka

Ciidamada Itoobiya Oo Ka Baxaya Degmo Ka Tirsan Bakool

Sheeko:Dalka

Saraakiisha ciidamada maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya ay dhowaan ay ka bixi doonaan degmada Tiyeeglow ee gobolka Bakool.

Cali Aadan oo ah taliyaha Booliiska Koonfur Galbeed ee Tiyeeglow ayaa u sheegay warbaahinta in saraakiisha ciidanka Itoobiya ay kusoo wargeliyeen iney baneyn doonaan degmada Tiyeeglow.

Taliyaha ayaa sheegay in ciidanka Koonfur Galbeed heegan buuxa la geliyay si ay u sugaan amniga guud ee degmadaasi.

“Saraakiisha ciidamada Itoobiya waxay inoo sheegeen iney ka bixi doonaan degmada Tiyeeglow ee gobolka Bakool, waxaan diyaariney ciidamadeen, waayo nimankii Al-shabaab ah waxay isku soo dayayaan iney dib ugu soo laabtaan degmadaasi, balse annaga si walbo waan ku dadaali doonnaa inaan amniga degmadaasi sugno” ayuu yiri taliyaha.

Shacabka ku dhaqan degmada Tiyeeglow ee gobolka Bakool ayaa waxaa soo wajahay cabsi ah in marka ciidanka Itoobiya halkaasi ka baxaan ay degmada dagaallo ka dhacaan.

Hadalkaan kasoo yeeray saraakiisha ciidanka Itoobiya ayaa imaanaya xilli ciidamada dalkaasi ay horey uga soo baxeen deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan.

Xarakada Al-shabaab waxay horey degmada Tiyeeglow ee gobolka Bakool u maamuli jireen 8 sano.

Goobjoog News