U bood dhigaalka

Ciidamada Itoobiya Oo Kasoo Dhaqaaqay Luuq, Kuna Soo Jeeda..

Sheeko:Dalka

Ciidamada Itoobiya ee soo gaaray degmada Luuq ayaa goorshaw u dhaqaaday  dhinaca gobolka Bay  oo ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed.

Sida uu ku waramayo weriyaha Goobjoog News ee gobolka Gedo, ciidamo horleh ayaa galabta ka soo tallaabay dhinaca degmada Doolow iyaga oo ku sii jeeda degmada Luuq.

Itoobiyaanka ayaa ciidamo horleh soo geliyay gudaha Soomaaliya, 24kii saac waxaa ay ciidamadooda dhowr jeer ka soo tillaabeen Doolow Soomaaliya.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ay saldhigyo ka dhiban-doonaan Bay iyo Shabeellada hoose halka warar kale ay sheegaan in ay u socdaan Baardheere oo horay ciidamo kale oo Itoobiyaan ah u joogaan.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulahi Farmaajo ayaa Adis Ababa booqasho ku tagay October 23-keeda isaga oo ka dalbaday in ay gacan ku siiyaan la dagaalanka Al-shabaab

Goobjoog News