Ciidamada Itoobiya Oo Ku Dhawaad 20 Qof Ku Dilay Gobolka Baay

Wararka ka imaanaya deegaanka Wardiinle ee gobolka Baay ayaa waxay sheegayaan in ciidamada Itoobiya ay dileen dad shacab ah oo isugu jira carruur, Haween iyo dad da ah.

Mid ka mid ah dadka ku dhaqan deegaankaasi ayaa u xaqiijiyey Goobjoog News in ay dhinteen 19 qof, oo 10 ka mid ah ay carruur yihiin, waxaana dhaawacmay 8 kale.

“Ciidamada Itoobiya ayaa soo galay gudaha deegaanka gur guri ayeey galeen, waxay mid mid u toogteen dadkii shacabka ahaa, dadka dhaawacmay waxaan usoo qaadnay magaalada Baydhabo” sidaasi waxaa Goobjoog News u sheegay mid ka mid ah dadka ku dhaqan deegaanka Wardiinle.

Ma jirin wax dagaal ah oo ka dhacay deegaankaan lagu laayey dadkaan shacabka ah, lamana sheegin ulajeed arrintaasi ka dambeysay.

Maamulka Koonfur Galbeed iyo kan gobolka Baay weli kama aanay hadal falkaan lagu laayey dadka shacabka ah, balse ciidanka Itoobiya dhowr jeer waxay sidaan oo kale u dileen shacab badan.

Goobjoog News

Related Articles

2 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW