U bood dhigaalka

Ciidamada Itoobiya Oo Xabsiga Dhigay Wasiirka Caafimaadka Jubbaland

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya degmada Doolow ee gobalka Gedo ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya ay xabsiga dhigeen gabal dhacii shalay, wasiirka caafimaadka maamulka Jubbaland.

Wasiirka oo lagu magacaabo Xasan Daahir Yarow ayaa la sheegay in xarigiisa sabab ay u ahayd ka dib markii uu kasoo hor jeestay wareegto xilka looga qaaday gudoomiyahii Gedo Maxamed Cabdi Kaliil uu soo saaray madaxweyne Axmed Madoobe.

Mas’uuliyiin ka tirsan Jubbland oo diiday in magacooda la baahiyo ayaa Goobjoog News u xaqiijiyay in ciidamada Itoobiya ay wasiirka ku hayaan xabsi ku yaalla degmadaasi.

Madaxda Jubbaland weli kama aanay hadal xarigaan loo geystay wasiirka, sidoo kalena wax faah faahin kale ah lagama hayo saraakiisha Itoobiya ee Doolow ku sugan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News