U bood dhigaalka

Ciidamada Jabuuti oo Magaalada Dhusamareeb Ku Xusay Munaasabada Aas aaska Ciidamada Jamhuuriyada Jabuuti

Sheeko:Amniga

Ciidamada Jabuuti ee Hiil-walaal ee ku sugan magaalada Dhusamareb qaybna ka ah howlgalka AMISOM ayaa maanta xusay musaabada 43 guuradii ka soo wareegtay markii la Aas aasay Ciidamada Jamhuuriyada Walaalaha aynu nahay ee Jabuuti.

Ciidamada ayaa ugu horeeyn soo bandhigay Dhoolatusyo Ciidan munaasabada awgeed, Saraakiisha Ciidamada Jabuuti eek u sugan Dhusamareeb ayaa diray hambalyada munaasabada Aas aaskii Ciidamada Jabuuti.

Kabtan Axmed AadanTaliyaha Ciimada Jabuuti ee Galmudug  ayaa sheegay inuu aad ugu farasan yahay maalintan aadka ugu wayn dhamaan Ummadda reer Jabuuti.

Sagaalkii Bilood ee la soo dhaafay ayaa Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa ka socda Dowladda Jabuuti waxa ay ku sugnaayeen Magaalada Dhusamareb iyaga oo ka qayb qaadanayay Sugida Amaanka deegaanada Galgaumudug.

Ugu danbeeyntii Saraakiisha Ciidamadan ayaa u Mahadceliyay Bulshada reer Galmudug gaar Shicibka Dhusamareb sida ay u soo dhowaeeyeen Ciidamada.

Goobjoog News