U bood dhigaalka

Ciidamada Jubbaland Iyo Kuwa Al-shabaab Oo Ku Dagaallamay Gobalka Jubada Hoose

Sheeko:Dalka

Dagaal u dhaxeeyay ciidamada maamulka Jubbaland iyo kuwa Al-shabaab ayaa ka dhacay duleedka deegaanka Qooqaani ee gobalka Jubada Hoose.

Maxamed Maxamuud Ismaaciil oo ka mid ah mas’uuliyiinta maamulka Jubbaland ee gobalka Jubada Hoose, ayaa Goobjoog News u sheegay in dagaalka uu ahaa mid ay qaadeen ciidamada Jubbaland oo garab ka helaya kuwa AMISOM.

Waxa uu tilmaamay in deegaanka lagu dagaallamay ay u badan yihiin dad reer guuraa ah, iyadoo halkaasi uu ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Inta la xaqiijiyay Laba qof ayaa dagaalkaasi ku dhimatay sidoo kalena waxaa halkaasi ku dhaawacmay Afar kale oo dhammaan dhinacyadii dagaallamay ah.

“Ciidamada Jubbaland iyo kuwa AMISOM oo doonaya inay qabtaan dhammaan meelaha ay ku sugan yihiin nabad diidka ayaa duleedka Qooqaani  weeraray, nimanka guul baan ka gaarnay haatanna waan sii soconnaa” ayuu yiri Mr Ismaaciil.

Wararkii ugu dambeeyay ee saaka ka imaanaya deegaanadii lagu dagaallamay ayaa ku waramaya in xaaladdu ay tahay mid aad u deggan, islaamarkaana ciidamada Jubbaland iyo kuwa AMISOM ay wadaan howlgallo.

Goobjoog News