U bood dhigaalka

Ciidamada Jubbaland Iyo Kuwa AMISOM Oo Howlgallo Ka Billaabay Magaalada Kismaayo

Sheeko:Dalka

Ciidamada Jubbaland iyo kuwa AMISOM, gaar ahaan ciidamada ka socda dalka Burundi ayaa xaafadaha magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose, waxay ka billaabeen howlgallo amniga lagu xaqiijinayo.

Ciidamadaan oo is garabsanaya ayaa si socod ah ku maraya dhammaan xaafadaha magaaladaasi ay ka kooban tahay, waxaana sidoo kale ay baarayaan gaadiidka soo galaya magaalada Kismaayo.

Howlgalladaan oo weli la sheegin dad lagu qabtay, ayaa hadana saraakiisha Jubbaland waxay sheegayaan in amniga ay ku sugayaan.

Ciidamada Burundi ayaa fariisinkooda ugu weyn waxa uu ku yaallaa duleedka Kismaayo, gaar ahaan waxay deggan yihiin wadada aada degmada Afmadow.

Mararka qaar sidaan oo kale waxaa howlgallo u sameeya ciidamada Jubbaland iyo kuwa AMISOM, waxaana mararka qaar magaaladaasi ka dhaca falal amniga wax u dhimaya.

Kismaayo waxaa sidoo kale ku sugan ciidamada Kenya oo ka mid ah howlgalka AMISOM, iyadoo dhinaca kale dhawaan ay halkaasi tageen saraakiil Itoobiyaan ah oo indha indheynayay halka la dejin lahaa ciidamo dalkooda ka socda oo Magaalaasi la geeyo.

Goobjoog News