U bood dhigaalka

Ciidamada Jubbaland Oo Dib u Habeyn Lagu Sameynayo

Sheeko:Dalka

Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in dib u habeyn ballaaran lagu sameyn doono dhammaan ciidamada maamulkaasi ee ku sugan gobollada Jubbooyinka iyo Gedo.

Wasiiru dowlaha wasaaradda amniga maamulkaasi Maxamed Cabdi Kaliil oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in hadda ay wadaan dedaal ballaaran oo ku aadan kala habeynta ciidamada.

Waxa uu tilmaamay in dhammaan ciidamada Jubbaland meel walbo  oo ay Saddexda gobolka ka joogaan in loo kala qeybin doono Daraawiish, Nabad sugid iyo Booliis.

“Ciidamada dhammaan meel walbo oo ay joogaan waa la diiwaangelin doonaa, waxay noqon doonaan kuwo u shaqeeya sida ciidan lagu yaqaanay, waxaa loo kala saari doonaa nabad sugid, Boolis iyo Daraawiish” ayuu yiri Kaliil.

Maamulka Jubbaland ayaa dadaal badan ugu jira sidii loo tayeen lahaa ciidamada maamulkaasi.

Goobjoog News