U bood dhigaalka

Ciidamada Jubbaland Oo Gacanta Ku Dhigay Wiil La Sheegay Inuu Dilay Aabihiis

Sheeko:Amniga

Ciiidamada dowlad goboleedka Jubbaland ayaa gacanta ku dhigay wiil la sheegay in uu Aabihiis ku dilay deegaanka Buulo-gaduud oo 30-km u jira magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Wiilkan ayaa gelinkii dambe ee shalay wuxuu Baangad ku diley aabihiis oo lagu magacaabayey C/laahi Shariif Kalar, kaasi oo si weyn looga yaqaanay deegaankaasi.

Ciidamada Jubbaland oo ku baxay deegaankan ayaa ugu dambeyn soo qabtay gacan ku dhiiglihii falkaasi ka dambeeyey.

Saraakiil u hadashay ciidamada Jubbaland ayaa sheegay in hadda wiilka dilay aabihiis uu ku xiran yahay saldhigga magaalada Kismaayo, islamarkaana baaritaan lagu wado.

Goobjoog News