U bood dhigaalka

Ciidamada Jubbaland Oo Howlgallo Ka Sameeyay J/hoose

Sheeko:Dalka

Ciidamada maamulka Jubbaland ayaa howlgallo ballaaran waxay ka sameeyeen deegaanka Hosingow ee gobolka Jubada Hoose, kadib markii dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab ay weerar kusoo qaadeen deegaankaasi.

Guddoomiyaha deegaankaasi Cabdi Maxamed Maxamuud oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay howlgalladaasi ku raadinayeen dad lagu tuhmayo Al-shabaab oo ku dhuumaaleysanaya deegaanno ku dhaw deegaankaasi waa sida uu hadalka u dhigaye.

Ma aanu sheegin cid ay kusoo qabteen howlgalkaasi, waxaana uu sheegay in amniga magaaladaasi yahay mid aad u sugan.

“Nimankii Al-shabaab ayaa habeen Labaad kahor waxay soo weerareen fariisin AMISOM ku lahaayeen duleedka Hosingow, hase ahaatee ciidanka ayaa ku daba jooga nabad diidka weerarkan soo qaaday, waxay ahaayeen Niman Lix ah oo rasaas iska soo riday, ciidankuna howlgallada illaa hadda wey wadaan” ayuu yiri Guddoomiyaha.

Al-shabaab ayaa dhawaan weerar ka dhashay khasaare kala duwan waxay ku qaadeen fariisin ciidanka Kenya ku laahaayeen deegaankaasi, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Goobjoog News