U bood dhigaalka

Ciidamada Jubbaland Oo La Wareegaya Deegaannada Ay Isaga Baxeen Ciidanka Kenya Ee Gedo

Sheeko:Dalka

Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in ciidankooda ay la wareegi doonaan deegaannada gobolka Gedo ee ciidanka Kenya isaga baxeen.

Maxamuud Sayid Aadan, madaxweyne ku xigeenka Koowaad ee Jubbaland ayaa sheegay in ciidanka Kenya isaga baxeen deegaanka Faafax-dhuun, sidoo kalena ay doonayaan iney isaga baxaan Buusaar.

Shacabkii ku dhaqnaa deegaannadaasi ayuu sheegay in walwal xooggan uu soo wajahan, islamarkaana qaarkood ay barakac bilaabeen iyaga oo ka baqaya in Al-shabaab ay deegaannadaasi la wareegaan.

Wuxuu tilmaamay in ciidankooda uu wado abaabul xooggan oo ay ku xaqiijin doonaan ammaanka deegaannadan.

“Ciidamadeenna waxay wadaan diyaar garow, waxayna doonayaan iney la wareegaan deegaannada ay ciidanka Kenya ka baxeen…shacabkii ayaa ka baqaya in nimanka nabad diidka ah ay la wareegaan deegaannadaasi”

Ciidamada Kenya ayaa maalmihii ugu dambeeyey waday dhaq-dhaqaaqyo ay ku doonayaan iney kaga baxaan deegaanno ka mid ah gobolka Gedo sababo aan la shaacin awgeed.

Goobjoog News