U bood dhigaalka

Ciidamada Jubbaland Oo Magaalada Kismaayo Ka Wada Burburinta Dhismooyinka Sharci Darrada Ah

Sheeko:Dalka

Ciidamada maamulka Jubbaland ayaa magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose waxa ay ka wadaan howlgallo ballaaran oo lagu burburinayo dhismayaasha ku yaalla hareeraha wadooyinka, gaar ahaan kuwa sida sharci darada ah u dhisan.

Ibraahim Maxamed Yuusuf Tima Jilca oo ah gudoomiyaha magaalada Kismaayo ayaa sheegay in la burburinayo guri walba oo si sharci darro ah looga dhiso magaalada Kismaayo.

“25-sano ayuu dadka meeshii uu doono ayuu wax ka dhisanayay, hadda wadanka dowlad iyo maamul buu leeyahay, waxaa la waafajinayaa nidaamkii iyo qorshaha maamul loogu tala galay, qof walba oo guri sharci darro ah ka dhista wadada sharciga ayaa la waafajin doonaa” ayuu yiri gudoomiyaha.

Sidoo kale gudoomiye Timajilac ayaa sheegay in aysan wax magdhaw ah siin doonin qofkii ka madax adeegta in hantideeda kala baxdo meelaha sharci darrada ah, islamarkaana wixii hanti ee ku jirta ku burburin doonaan, isaga oo hoosta ka xariiqay inay dhamaatay mudadii digniinta ahayd.

Magaalada Kismaayo ayaa lagu arkayaa gaadiidka cagafta loo yaqaan ee wada burburinta guryaha sida sharci darradaha looga dhistay Wadooyinka Kismaayo iyo hareerahooda.

Goobjoog News