U bood dhigaalka

Ciidamada Kenya Iyo Al-shabaab Oo Dagaallamay

Sheeko:Dalka

Dagaal u dhaxeeyay ciidamada Kenya iyo Xarakada Al-shabaab ayaa lagu soo waramayaa inuu ka dhacay deegaanka Diif ee gobolka Waqooyi Bari Kenya halkaasi oo uu ka dhashay khasaare kala duwan.

Dagaalkan ayaa billowday kadib markii ciidamo badan oo Al-shabaab ay ay dhowr jiho ka weerareen saldhig ciidamada Kenya ku lahaayeen deegaankaasi.

Khasaaraha rasmiga ah ee halkaasi ka dhashay lama xaqiijin karo balse dhinacyadii dagaallamay guul ayeey kala sheegteen.

Al-shabaab ayaa baraha ay ku leedahay Inaternetka waxay ku qoreen inay dileen ciidamo Kenyan ah, sidoo kalena hub badan ay qabsadeen saacadana gacanta ay ku hayeen saldhiggii ay weerarka kusoo qaadeen.

Dhanka kale Booliiska Kenya ayaa xaqiijiyey in dagaalyahannada Al-shabaab ee weerarka kusoo qaaday ay dhamaayeen 100, balse ay iska caabiyeen.

Saraakiil u hadashay Booliiska Kenya waxay sheegeen inay dileen dagaalyahannadaasi qaarkood, tiro ma aanay sheegin sidoo kalena kama aysan hadal waxa ka jira in dhankooda khasaare badan lasoo gaarsiiyey.

Wixii ka dambeeyay markii ciidamada Kenya ay gudaha usoo galeen dalka, Al-shabaab ayaa xoojisay weerarada ay ka geysaneyso gudaha dalkaasi.

Goobjoog News