U bood dhigaalka

Ciidamada Kenya Iyo Kuwa Al-shabaab Oo Dagaallamay

Sheeko:Dalka

Dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda Kenya iyo kuwa Al-shabaab ayaa lagu soo waramayaa inuu ka dhacay deegaanno hoostaga degmada Ceelwaaq Kenya ee NFD, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare kala duwan.

Ciidamada Al-shabaab ayaa la sheegay iney jidka u galeen gaadiid ay la socdeen ciidamada Kenya, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal daqiiqado badan socday.

Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalkaasi ku dhimatay Lix qof oo Shan kamid ah yihiin ciidamada Kenya, iyadoo dhaawac intaa ka bandanna uu jiro.

Saraakiisha ammaanka Kenya ayaa sheegay in ciidanka la weeraray ahaayeen kuwa Booliiska ah xilli ay rondo ku jireen.

Xarakada Al-shabaab ayaa xoojisay weerarada ay ka fulinayaan gobolka NFD, waxaana dhanka kale socda howlgallada ballaaran ee ay wadaanciidamada Kenya.

Goobjoog News