U bood dhigaalka

Ciidamada Kenya Iyo Kuwa Al-shabaab Oo Ku Dagaallamay Mandhera

Sheeko:Dalka

Dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda Kenya iyo kuwa Xarakada Al-shabaab ayaa habeenkii xalay ahaa waxa uu ka dhacay magaalada Mandhera ee gobolka NFD.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in dagaal yahanno ka tirsan Al-shabaab ay weerar ku qaadeen Bangi si gaar ah loo leeyahay iyo Labo Hoteel oo ku yaalla Mandhera, gaar ahaan xaafadda loo yaqaanno Town-ka.

Bankiga ayaa lagu magacaabaa Equity Bank, halka Labada Hoteel lagu sheegay magacyadooda Jabane iyo Eatery, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare kala duwan.

Askari ka tirsan ciidamada Keydka ah ee Kenya ayaa la sheegay in dagaalkaasi uu ku dhintey, iyadoo weli aan la sheegin khasaaraha kale ee Nafeed iyo midda Maaliyadeed ee halkaasi ka dhashay.

Dagaalkan ayaa ku bilowday Labo qarax oo laga maqlay Mandhera, kuwaasi oo dadka qaar ay sheegeen iney ahaayeen Bambooyin.

Al-shabaab ayaa xoojiyey weerarada ay ka fulinayaan magaalada Mandhera ee gobolka NFD, waxaana marar badan ay halkaasi kula dagaallameen ciidamada Kenya.

Goobjoog News