U bood dhigaalka

Ciidamada Kenya Iyo Kuwa Al-shabaab Oo Ku Dagaallamaya Deegaanno Ku Dhow Xuduudda Soomaaliya Iyo Kenya

Sheeko:Dalka

Ciidamada dowladda Kenya iyo Xarakada Al-shabaab ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dagaallamayaan deegaanno dhaca xuduudda dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Degaannada kala ah Fino iyo Carabyada oo ku teedsan xuduudda Soomaaliya iyo Kenya gaar ahaan magaalada Mandheere ee gobalka waqooyi bari ayay ka soconayaan dagaalladani.

Diyaaradaha dagaalka dowladda Kenya ayaa qeyb ka ah dagaalladaasi waxaana lasoo sheegayaa in ku dhowaad dhowr iyo toban saacadood la dagaallamayo.

Khasaaraha guud ee dagaalladan iyo qaabka uu ku billowday weli wax faah faahin ah lagama helin.

Saraakiil u hadashay dowladda Kenya ayaa sheegay in dagaalka ay iyagu ku gacan sarreeyaan, faah faaahinta ay dib ka bixin doonaan, wallow dhanka Al-shabaab aan wax war ah laga hayn.

Warkaaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News