U bood dhigaalka

Ciidamada Kenya Oo Dib Ula Wareegay Deegaanka Ceelcadde Ee Gobalka Gedo

Sheeko:Dalka

Ciidamada dowladda Kenya ayaa dib ula wareegay deegaanka Ceelcadde ee gobalka Gedo kadib markii deegaankaasi ay Jimcihii la wareegeen ciidanka Al-shabaab.

Ciidamadaan oo aad u hubeysnaa, dhanka cirkana ay ka kaabayeen diyaaradaha dagaalka ee dalka Kenya ayaa la sheegay in dagaal la’aan ay ku qabsadeen deegaankaasi.

Dagaallo shalay ka dhacay deegaanno ku dhaw deegaanka Ceelcadde kadib Al-shabaab waxaa la xaqiijiyay in halkaasi ay isaga baxeen.

Shacabka fara ku tiriska ah ee ku haray deegaankaasi ayaa lagu soo waramayaa in cabsi ay ka qabaan in mar kale deegaankaasi uu dagaal ku dhexmaro Al-shabaab iyo ciidamada Kenya.

Jimcihii aynu kasoo gudubnay ayaa Al-shabaab waxay weerar ku qaadeen xero ciidamada Kenya ku lahaayeen deegaanka Ceelcadde ee gobalka Gedo, halkaasi oo uu ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Goobjoog News