U bood dhigaalka

Ciidamada Kenya Oo Gacanta Ku Dhigay Dhalinyaro Ay Ku Sheegeen Al-shabaab Iyo Hub Ay Wateen

Sheeko:Dalka

Ciidamada ammaanka dalka Kenya ayaa gacanta ku dhigay Afar Dhallinyaro ah iyo hub ay wateen, kuwaasi oo ay ku eedeeyeen inay ka tirsan yihiin Xarakada Al-shabaab.

Howlgal ay ciidamadaan ka sameeyeen gobalka Waqooyi bari Kenya, gaar ahaan Xerada Qaxootiga IFO, ayeey kusoo qabteen dhalinyaradani.

Sarkaal u hadlay ciidamada Kenya ayaa sheegay in hubka ay raggaan ku qabteen ay ka mid yihiin Bambooyin, Bistoolado, iyo qalab lagu farsameeyo walxaha qarxa.

Waxa uu sheegay Sarkaalkaan sidoo kale in suurta gal ay tani ka dhigtay ka dib markii dadka shacabka ah ay la shaqeeyeen ciidamada ammaanka, kuna soo war geliyeen in ay jiraan rag hubeysan oo xerada deggan.

Maalmihii ugu dambeeyay ciidamada Kenya waxay wadeen howlgallo ka dhan ah Al-shabaab, waxaana inta badan ay ka dhaceen howlgaladaasi gobalka Waqooyi Bario Kenya.

Goobjoog News