U bood dhigaalka

Ciidamada Kenya Oo Gacanta Ku Dhigay Rag La Sheegay Inay Ku Biiri Rabeen Daacish

Sheeko:Dalka

Ciidamada Booliiska dalka Kenya ayaa la sheegay inay gacanta ku dhigeen Labo nin oo la tilmaamay inay qorsheynayeen inay ku biiraan Ururka Daacish.

Ragga la qabtay waxaa magacyadooda lagu kala sheegay Maxamed Shukri Yerrow iyo C/risaaq Cabdi Nuur.

Sarkaal u hadlay Booliiska wuxuu sheegay in raggan markii ay galaan Daacish ay qorsheynayeen inay soo maleegaan weeraro ka dhan ah dowladda Kenya.

Booliiska Kenya ma aanay sheegin halka sida rasmiga ah raggan usoo aadi lahaayeen inay tahay Soomaaliya iyo in kale, balse waxay tilmaameen in baaritaan laagu hayo.

Ciidamada ka soca dowladda Kenya ayaa qeyb ka ah howlgalka AMISOM, waxaana wixii ka dambeeyay markii ciidankaasi yimaadeen Soomaaliya xooggeystay weerarada Al-shabaab ka fuliyaan gudaha Kenya.

Goobjoog News