U bood dhigaalka

Ciidamada Kenya oo howlgal ka wada degmada Mandheera ee gobalka Waqooyi Bari Kenya

Sheeko:Dalka

KenyaCiidamada amaanka ee dowladda Kenya ayaa maanta waxa ay howlgal culus ka wadaan degmada Mandheere ee gobalka Waqooyi Bari Kenya, halkaasi oo shalay Al-shabaab dad shacab ah ku laayeen.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in ciidamada Kenya ay wadaan howlgal ay ku baadi goobayaan Raadka dadkii dilay shacabkaasi, iyadoo mas’uuliyadda weerarkaan ay sheegteen Al-shabaab.

Mid ka mid ah Soomaalida ku dhaqan halkaasi ayaa sheegay in la arkayo ciidamo aad u badan oo gaaf wareega Mandheera, sidoo kale meelaha ay ka shakiyaan baaraya.

Dhanka kale saraakiisha Kenya ayaa sheegay in ay hadda ciidankooda geliyeen feejignaan aad u xoogan, ayna ku dadaalayaan sidii ay uga hortagi lahaayeen weerar walba oo Al-shabaab kaga yimaada.

Goobjoog News