U bood dhigaalka

Ciidamada Kenya Oo Isaga Baxay Deegaanka Gadoon-Dhawe Ee Gedo iyo Al-shabaab oo Sheegay in ay La Wareegeen Deegaankaasi (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

KenyaCiidamada Kenya ee ka mid ah kuwa AMISOM ayaa maanta faarujiyay deegaanka Gadoon-Dhawe ee gobalka Gedo, ka dib markii halkaasi go’doon ay geliyeen ciidamada Al-shabaab.

Deegaanka Gadoon-Dhawe oo ku yaala duleedka degmada Baladxaawo ayaa la sheegay in ciidamadaan ay muddo ku sugnaayeen, hase ahaatee markii laga jaray biyahii iyo adeegyadii kale ay keentay in ay isaga soo baxaan halkaasi.

Mid ka mid ah dadka ku dhaw halkaasi ayaa u sheegay Goobjoog Fm in ciidamadaan mar qura ay dhinayacda rasaas u rideen, ka dibna ay halkaasi isaga soo baxeen.

Ciidamada Kenya waxaa halkaasi ku wehlinaayay ciidamo aan sidaa u badneyn oo ka mid ah dowladda Soomaaliya, iyadoo ciidankii baxay la sheegay in dhanka Xuduuda ay aadeen.

Dhanka kale Al-shabaab ayaa sheegay in ay la wareegeen deegaankaasi, ka dib markii halkaasi ay ciidamada Kenya isaga baxeen.

Horay waxaa deegaankaasi uga dhacay dagaal xoogan, waxaana duqeyn ka geystay diyaaradaha dagaalka ee dalka Kenya.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

 

Goobjoog News