U bood dhigaalka

Ciidamada Kenya Oo Isaga Baxay Degmada Baardheere, Gedo

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaaraya degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa waxay sheegayaan in ciidamada Kenya ay ka baxeen guud ahaan degmadaasi.

Guddoomiye ku xigeenka degmada Baardheere Ismaaciil Sheekh Cabdi Qorax ayaa u sheegay Goobjoog News, in ciidankaan ay aadeen dhanka dalkooda Kenya.

Waxa uu guddoomiye ku xigeenka tilmaamay in hadda amniga degmada Baardheere ay gacanta ku hayaan ciidanka dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya, islamarkaana ka bixitaanka ciidanka Kenya ee degmadaasi aanay saameyn ku yeelan doonin.

Shacabka ku dhaqan degmada Baardheera ayaa aad u hadal haya ciidanka Kenya ee isaga baxay degmadaasi, iyadoo aan la ogeyn sababta ay ciidankaan halkaasi uga baxeen.

Ciidamada Kenya ayaa ku sugnaa deegaanno kamid ah gobolka Gedo iyo sidoo kale deegaannada Jubbaland qaarkood.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News