U bood dhigaalka

Ciidamada Kenya Oo Madaafiic Ku Gaaracay Deegaanno Ku Yaalla Xadka Soomaaliya Iyo Kenya

Sheeko:Dalka

Dadka ku nool deegaanka dhamase ee xadka aan rasmiga ahayn Soomaaliya iyo Kenya ayaa ka qeylo dhaaminaya madaafic khasaare geysatay oo ciidamada Kenya habeenadii lasoo dhaafay ay ku garaaceen deegaankaasi.

Madaaficdii uu danbeysay ee deegaankaasi lala beegsado ayaa waxaa ka dhashay khasaare isugu jirta dhimasho iyo dhaawac gaar ahaan qoys halkaa deganaa oo madfac ku dul dhacay halkaasna ay ku geeriyootay hooyadii reerka caruur ay dhashayna ay dhaawacyo soo gaareen

Marka laga tago dhimashada dadka rayidka ah soo gaartay waxaa jira khasaare kale oo hantiyadeed iyadoo halkaasi ay ku gubteen guryo badan oo dad shacab ah lahaa sida dadka deegaanku ay ku waramayaan

Dhinaca kale inta badan dadkii halkaasi degannaa waxau u barakaceen dhulka miyiga ah kadib markii ay u adkaysan waayeen madaafiicda culus ee ku dul hoobanaysa, waxaana xaalad qatara laga soo sheegayaa halka ay dadku ku barakeceen oo aan lahayn biyo iyo hoy caruurta iyo dadka jilicsan ay galaan.

Dadkaan qaarkood ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka Soomaaliya in degdeg ay uga hadasho arrintani.

Lama oga ulajeedka ay ciidanka Kenya madaafiicdan ugu garaacayaan dadka shacabka ah.

Goobjoog News