U bood dhigaalka

Ciidamada Kenya Oo Qarax Lagula Eegtay Duleedka Dhoobley, Jubada Hoose

Sheeko:Dalka

Qarax Miino ayaa lagu soo waramayaa in ciidamo Kenyan ah lagula eegtay duleedka degmada Dhoobley ee gobolka Jubada Hoose.

Ciidamadan ayaa marayey sida la sheegay inta u dhaxeysa Dhoobley iyo deegaanka Taabto, waxaana Miinadan ay ku qaraxday mid kamid ah gaadiidkii ay wateen.

Waxaa jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta oo soo gaaray ciidankaan, balse lama oga inta uu la egyahay khasaarahan.

Mid kamid ah dadkii ka dhowaa halka ay wax ka dhaceen ayaa warbaahinta u sheegay in ciidanka Kenya ay rasaas badan fureen qaraxa kadib.

Marar badan sidan oo kale waxaa ciidamada Kenya qaraxyo lagula eegtay gobollada Jubooyinka.

Goobjoog News