U bood dhigaalka

Ciidamada K/galbeed Iyo Kuwa Itoobiya Oo Howlgallo Ka Wada Buurhakaba

Sheeko:Dalka

Ciidamada maamulka K/galbeed iyo kuwa Itoobiya ayaa lagu soo waramayaa in maanta oo Khamiis ah ay howlgallo ka wadaan degmada Buurhakaba ee gobolka Baay.

Ciidamadan ayaa isku gadaamay xaafadaha qaar ee degmadaasi iyo sidoo kale deegaannada ku dhow degmada Buurhakaba.

Dadka deegaanka qaarkood oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegaya in howlgalka uu yahay mid guryaha lagu baarayo, waxaana jira dhallinyaro lagu qabtay howlgalkaan.

Saraakiisha K/galbeed ee hoggaamineysa howlgalkaan ayaan xiriir aynu la sameennay waxay ka gaabsadeen in faah faahin dheeraad ah ka bixiyaan howlgaladaan iyo tirada dadka ay kusoo qabteen.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News