U bood dhigaalka

Ciidamada K/galbeed Oo Howlgal Ka Wada Buurhakaba, Baay

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya demada Buurhakaba ee gobolka Baay, maanta oo Khamiis ah ayaa waxay sheegayaan in halkaasi ay howlgallo ballaaran ka wadaan ciidamada maamulka K/galbeed.

Howlgalkaan ayaa degmadaasi ka bilowday saakay aroortii, waxaana ay ciidamada gudaha u galayaan dhammaan guryaha ku yaalla degmadaasi.

Mid kamid ah dadka degmadaasi ku nool, kana gaabsaday magaciisa ayaa Goobjoog News u sheegay in ciidamada ay dhallinyaro badan kala soo baxeen guryahooda, ayna isugu geynayaan meel fagaare ah.

Howlgalkaan ayaa sidoo kale waxay ka wadaan deegaannada ku dhow degmada Buurhakaba, lamana oga ulajeedka ka dambeysa.

Saraakiisha ciidamada howlgalkaan wada oo aynu xiriir la sameennay waxay ka gaabsadeen in faah faahin horudhac ah ay ka bixiyaan howlgalladan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada