U bood dhigaalka

Ciidamada Koonfur Galbeed Iyo Kuwa Al-shabaab Oo Ku Dagaallamay Gobolka Bakool

Sheeko:Dalka

Dagaal u dhaxeeyay ciidamada Booliiska gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed iyo Xarakada Al-shabaab ayaa maanta ka dhacay duleedka degmada Wajid ee gobolka Bakool, kaasi oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Wararku waxay sheegayaan in weerarka dagaalka ay lahaayeen ciidamada maamulka Koonfur Galbeed oo weeraray xarun ay Al-shabaab ku lahaayeen duleedka degmada Waajid.

Ku Dhawaad 10 qof ayaa dagaalkaasi ku geeriyootay iyadoona dhaawaca uu ka badan yahay Shan sida ay sheegayaan dad ku dhaw halkii lagu dagaallamay.

Maxamed Isaaq Caracase oo ah taliye ku xigeenka ciidanka Booliiska gaarka ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in dagaalkaasi uu ahaa mid qorsheysan, islamarkaana ay weerareen xarun uu sheegay in Al-shabaab ay qorsheynayeen in weeraro ay kasoo abaabulaan.

Ciidamada Booliiska gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa maalmahan dambe waxay wadaan howlgallo ka dhan ah Al-shabaab, waxay sidaan oo kale weeraro uga geysteen xarumo Al-shabaab kaga sugnaayeen gobollada Baay iyo Bakool.

Goobjoog News