U bood dhigaalka

Ciidamada maamulka KMG ee Jubba iyo kuwa AMISOM oo deegaano cusub kala wareegay Al-shabaab (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Ciidamada maamulka KMG ee Jubba oo garabsanaayaa kuwa AMISOM ayaa u suurta gashay inay la wareegaan deegaano ay muddo badan maamulayeen Al-shabaab.

Shalay waxay ciidamadaan la wareegeen deegaanka Kudhaa, waxaana sidoo kale lagu soo waramayaa in hadana ay gacanta ku dhigeen deegaanka Cabdalla Biroole oo isla gobalka Jubada Hoose ah.

Dhanka kale ciidamada ayaa u jiheystay dhanka deegaanka Buulo Xaaji oo ay ku sugan yihiin ciidamada Al-shabaab, iyadoona ciidamada ay wax yar halkaasi u jiraan.

Wararka laga helayo Buulo Xaaki waxay sheegayaan in Al-shabaab dhankooda halkaasi ay dhaq dhaqaaqyo ciidan ka bilaabeen, waxaana saraakiisha maamulka KMG ee Jubba sheegayaan in dhamana deegaanada gacantooda ka maqan ay dhawaan qaban doonaan.

Ciidamada is garabsanaaya ayaa la sheegay in madaafiic ay ku garaaceyn deegaanka Buulo Xaaji, lamina oga qasaaraha halkaasi ka dhashay sida uu soo sheegayo Wariyaha Goobjoog Fm ee gobalka Jubada Hoose.

Halkaan hoose ka dhageyso faah faahin dheeraad ah.

Goobjoog News