U bood dhigaalka

Ciidamada Milatariga Oo La Faray In Magaalada Muqdisho Ay Faarujiyaan

Sheeko:Dalka

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Maxamed Aadan Axmed ayaa amar ku bixiyay in magaalada Muqdisho ay dibadda uga baxaan ciidanka Millateriga dowladda Soomaaliya.

Taliyaha oo ka hadlayey rasaas magaalada Muqdisho ka dhacaysay saacadihii la soo dhaafay oo ay ridayeen ciidamada Xoogga dalka qaarkood ayuu sheegay iney ahayd inaan la khasaarin rasaastaasi.

Waxa uu sheegay in dowladdu ay rasaas iyada u baahan tahay oo aynaan ahayn in macno darro loo rido, isagoo sheegay in ay jiraan ciidamo millateriga ka tirsan oo ilaalo u ahaa qaar kamid ah musharrixiinta kuwaas oo uu faray inay dib ugu laabtaan fariisimahooda.

Sidoo kale taliyaha ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay  in taliyeyaasha booliska iyo nabad sugidda ay dacwo kaga timid oo arrintaasi la xiriirta, islamarkaana ciidanka Millateriga ay magaalada ka baxaan, isagoo tilmaamay inay ka dalbadeen in shaqada booliska iyo nabad sugidda loo madaxbannaaneeyo.

Sacaadihii ugu dambeeyey waxaa magaalada Muqdisho laga maqlayey rasaas badan oo u muuqatay dabaaldegga madaxweynaha la doortey ee Farmaajo.

Goobjoog News