U bood dhigaalka

Ciidamada NISA Oo Burcad Badeed Kasoo Badbaadiyey Haweeney Kenyaan Ah

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya degmada Cadaado ee gobolka Galguduud ayaa waxay sheegayaan in ciidamada nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka Soomaaliyeed (NISA) qeybtooda ka howlgasha Galmudug ay soo badbaadiyeen haweeney Ajaaniib ah oo ay heysteen koox burcad badeed Soomaali ah.

Haweeneydan ayaa u dhalatay dalka Kenya, waxaana lagu haystay koonfurta gobolka Mudug, iyadoo kooxdaasi u afduubneyd muddo 18 bil ah, iyadoo la keenay demada Cadaado.

Taliyaha ciidanka NISA ee deegaannada Galmudug Saadaq Cumar Xasan ayaa u xaqiijiyey Goobjoog News,  soo badbaadinta haweeneydan, balse ma jirto faah faahin intaan ka dheer.

Saraakiisha NISA iyo mas’uuliyiinta Galmudug ayaa goor dhow saxaafadda kula hadli doona degmada Cadaado,  iyaga oo ka warbixin doona haweeneydan Kenyanka ah ee lasoo badbaadiyey.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News