U bood dhigaalka

Ciidamada Puntland Iyo Kuwa Al-shabaab Oo Ku Dagaallamaya Bari

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaaraya gobolka Bari, saakay oo Khamiis ah ayaa sheegaya in dagaal u dhaxeeya ciidamada maamulka Puntland iyo kuwa Al-shabaab ay ka soconayaan deegaan lagu magacaabo Af-urur oo duleedka ka ah magaalada Boosaaso ee xarunta gobolkaasi.

Goob jooge ayaa inoo sheegay in dagaalkan uu bilowday kadib markii dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab ay weerar ku qaadeen ciidamada Puntland ee fariisinka ku leh duleedkaasi.

Dagaalka ayaa ah mid xooggan, waxaana jira gurmad ciidan oo Puntland u dirtay deegaanka lagu dagaallamayo.

Khasaaraka ka dhashay dagaalkan lama oga, iyadoo meello ka baxsan halka lagu dagaallamayo ay ku dhacayaan rasaas habow ah.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News