U bood dhigaalka

Ciidamada Puntland Iyo Kuwa Somaliland Oo Dhaq-dhaqaaqyo Ka Wada Sanaag

Sheeko:Amniga

Wararka saakay oo Khamiis ah ka imaanaya gobolka Sanaag ayaa waxay sheegayaan in xiisad u dhaxeysa Somaliland iyo Puntland laga dareemayo deegaanno ka mid ah gobolkaasi.

Somaliland ayaa lagu soo waramayaa in ciidamo dheeraad ah ay geysay deegaanno ka tirsan gobolka Sool, taasi oo xiisadda sii adkeysay.

Sidoo kale, madaxda Labada dhinac ayaa warbaahinta isku mariyey hadallo hanjabaad ah taasi oo keentay in dhaq-dhaqaayada ciidan ay sii kordhaan.

Labada dhinac horey waxaa u dhexmaray dagaallo khasaare geystay, iyadoo dhanka kale dhowaan ay is dhaafsadeen maxaabiis ay ku kala qabsadeen dagaalkii ka dhacay deegaanka Tukaraq.

Weli ma jirto xal rasmi ah oo laga gaaray colaadda Puntland iyo Somaliland, marar badanna waxaa arrintaasi isku dayday iney xalliso Qaramada Midoobay.

Goobjoog News