U bood dhigaalka

Ciidamada Puntland Iyo Kuwa C/samad Gallan Oo Ku Dagaallamay Carmo

Sheeko:Dalka

Dagaal u dhaxeeyay ciidamada maamulka Puntland iyo kuwo taabacsan guddoomiyahii hore ee gobolka Bari C/samad Maxamed Gallan ayaa maanta ka dhacay deegaanka Carmo kaasi oo khasaare uu ka dhashay.

Wararku waxay sheegayaan in dagaalkaan uu billowday kadib markii ciidanka Puntland ay weerar ku qaadeen faarisin ay ciidanka Gallan ku lahaayeen duleedka Carmo.

Inta la xaqiijiyey Labo qof ayaa dagaalkaasi ku geeriyootay iyadoo dhaawacana uu intaasi ka badan yahay.

C/samad Gallan oo wareysi siiyey Goobjoog News wuxuu sheegay in ciidanka Puntland ay gaari ka gubeen sidoo kalena waxyeello badan ay gaarsiiyeen ciidanka soo weeraray, balse waxa uu sheegay in dhankooda aan wax khasaare ah lasoo gaarsiin.

“Annaga oo si nabad ah u fadhina oo odoyaal la shireyna waxaa weerar nagu soo qaaday ciidan taabacsan kaligiis taliye C/weli Gaas, waan iska difaacnay, gaari baan ka gubnay khasaare kalena waa uu soo gaaray” ayuu yiri Gallan.

Maamulka Puntland wax war ah kama aanu soo saarin dagaalladaasi, hase yeeshee C/samad Gallan ayaa sheegaya in dagaal uu ku qabsan doono guud ahaan Puntland islamarkaana ridayo C/weli Gaas.

Goobjoog News