U bood dhigaalka

Ciidamada Puntland Iyo Somaliland Oo Dhaq Dhaqaaqyo Ka Wada Gobolka Sanaag

Sheeko:Dalka

Ciidamada maamullada Puntland iyo Somaliland ayaa lagu soo waramayaa in saakay oo Talaado ah ay dhaq dhaqaaqyo ciidan ka wadaan deegaanno ka mid gobolka Sanaag, halkaasi oo laga baqayo in dagaallo ay ka dhacaan.

Dadka ku dhaqan deegaannada ku dhow deegaanka Boda Cada oo shalay ciidankaan ku dagaallameen ayaa wararku waxay sheegayaan in Labada dhinac ay wadaan dhaq dhaqaaqyo ka duwan sidii hore.

Ciidamo gurmad ah ayaa Labada dhinac u kala tagey, waxaana la sheegayaa in deegaannada qaar ay shacabkii billaabeen in halkaasi ay ka barakacaan.

Dagaal sababay khasaare kala duwan ayaa ciidamada Puntland iyo Somaliland shalay ku dhexmaray deegaanka Booda Cad, waxaana dhinacyadaasi ay kala sheegteen guullo.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News