U bood dhigaalka

Ciidamada Puntland Oo 200 Qof Ku Qabtay Howlgallo Ay Ka Sameeyeen Boosaaso

Sheeko:Dalka

Ciidamada maamulka Puntland ayaa lagu soo waramayaa in howlgal ay ka sameeyeen magaalada Boosaaso ee gobolka Bari kusoo qabteen dad gaaraya 200 oo qof.

Dadkaan ayaa lagu eedeeyay in qaarkood ay maleegayeen falal amniga ka dhan ah halka kuwa kale qaarkoodna lagu eedeeyay inay doonayeen in ay u tahriibaan dalka Yemen.

C/xakiin Yuusuf Xuseen oo ah taliyaha qeybta Booliiska gobolka Bari oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in howlgalladan ay dhaceen 24-kii saac ee lasoo dhaafay islamarkaana dadka la hayo cadaaladda la horgeyn doono.

Dadka tahriibka loo heysto ayuu sheegay in meel gaar ah ku xireen halka kuwa amni daradda loo heystana uu sheegay in baaritaan lagu hayo.

Magaalada Boosaaso ayaa inta badan waxaa ka baxa doomo qaada dad badan oo tahriibayaal ah.

Goobjoog News