U bood dhigaalka

Ciidamada Puntland Oo Boosaaso Ku Qabtay Maandooriyaha Qamriga Iyo Dadkii Waday

Sheeko:Dalka

Ciidamada ilaalada Kontaroolka Magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa gacanta ku dhigay Maandooriyaha Qamriga, dadkii waday iyo gaarigii lagu waday intaba.

Taliyaha ciidanka ilaalada Koontaroolkaasi Barqad Maxamed Jaamac ayaa sheegay in ay heleen xog ku saabsan in Maandooriyahan dhankooda kusoo wajahan yahay ayna isku diyaariyeen si loo qabto.

Waxa uu tilmaamay Taliyaha in Maandooriyahan Qamriga uu gaarayo 55 dhalo, waxaana waday Labo Nin.

“Xalay markii ay ahayd 1-dii habeennimo ayaan warbixin arrintaan ku saabsan helnay, kadib waxaan warbixintaasi siinnay taliyaha qeybta, isaguna si geesinimo leh ayuu inoo amray inaan gacan kaga hortagno soona qabanno alaabtaa iyo wixii watayba, 55 dhallo oo Qamriga ah iyo 2-dii nin ee watey iyo gaarigii lagu waday ayaa waxaan kasoo qabannay Kalabayrka, nimankaan waa niman caadeystayaal ah oo ka shaqeeya bahashan soona geliya magaalada Boosaaso, Koontaroolkana dhinac ka mariya, xalayna waan ka hortagnay” ayuu yiri Taliye Barqad.

Dhanka kale Taliyaha qeybta Booliiska gobolka Bari Cabdixakiin Xuseen Yuusuf ayaa tilmaamay inay la dagaallamayaan dadka gudaha magaalada Boosaaso soo gelinaya waxyaabaha maanka dooriya.

Ciidamada Puntland ayaa howlgallo sidaan oo kale u sameeyeen waxay dhowr jeer kusoo qabteen Maandooriye kala duwan oo si hoose loo soo geliyay deegaannada maamulkaasi ka arrimiyo.

Goobjoog News