U bood dhigaalka

Ciidamada Puntland Oo Dib Ula Wareegay Deegaanka Af-urur Ee gobolka Bari

Sheeko:Amniga

Wararka ka imaanaya gobolka Bari ayaa waxay sheegayaan in ciidamada maamulka Puntland ay dib ula wareegeen deegaanka Af-urur ee gobolkaasi, halkaa oo Labadii maalin ee lasoo dhaafay ku sugnaayeen ciidamada Al-shabaab.

Ciidamada daraawiishta Puntland ayaa saakay ku baxay deegaankaasi, waxaana isaga baxay kuwa Al-shabaab, iyadoo aan lasoo sheegin wax dagaal ah oo halkaasi ka dhacay.

Saraakiisha ciidanka Puntland hoggaamineysa ayaa sheegay in haatan ay halkaasi ka wadaan howlgallo baaritaanno ah.

Ciidamada Puntland ayaa sabab aan la shaacin uga soo baxay deegaanka Af-urur ee gobolka Bari, waxaana markii ay halkaa kasoo baxeen la wareegay ciidamada Al-shabaab.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News