U bood dhigaalka

Ciidamada Puntland Oo Gacanta Ku Dhigay Rag Ajaaniib Ah

Sheeko:Dalka

Ciidanka badda maamulka Puntland ayaa dad isugu jira Soomaali iyo Ajaanib kusoo qabqabtay howlgal ay ka sameeyeen xeebta Garacad ee gobolka Mudug.

Guddoomiyaha deegaanka Garacad C/nuur C/laahi Xirsi oo wareysi siiyey Goobjoog News, ayaa sheegay in ay ciidamada gacanta ku dhigeen Nin Soomaali ah iyo sidoo kale Saddex nin oo Ajnabi ah una dhashay dalka Yemen.

Wuxuu sheegay guddoomiyaha in raggan ay u sheegeen in dooni ay ka shidaal beeshay, sidaasina ku yimaadeen xeebta Garacad, balse markii lasii baaray la waayey Doon ay wateen waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Raggan ajaaniibta ah waxa ay u dhasheen Yemen, waxaana ninka Soomaaliga ah ee la socdana uu kasoo jeedaa deegaannada Puntland, doon ayeey sheegeen iney ka shidaal goosatay, laakiinse markaan raadinay ma aan arag wax doon ah, hadana baaritaan ayaa lagu wadaa” ayuu yiri guddoomiyaha deegaanka Garacad.

Puntland ayaa ciidamo dheeraad ah waxay ku daabushay 48-kii saac ee lasoo dhaafay ciidamo badan oo la sheegay iney amniga xaqiijinayaan.

Goobjoog News