U bood dhigaalka

Ciidamada Puntland Oo Gacanta Ku Dhigay Rag Looga Shakisan Yahay Al-shabaabnimo

Sheeko:Dalka

Ciidamada maamulka Puntland ayaa gacanta ku dhigey rag looga shakisan yahay iney ka tirsan yihiin Xarakada Al-shabaab, kadib howlgal ay ka sameeyeen Koontaroolka laga galo magaalada Garoowe.

Waxay ciidamada Puntland Qabteen Labo nin oo la sheegay  iney la socdeen gaari Ari siday, kana yimid dhanka gobolka Hiiraan, kuna socday magaalada Boosaaso.

Gaashaanle Sare Faarax C/raxmaan Warsame , taliyaha qeybta Booliiska gobolka Nugaal oo la hadlay warbaaahinta ayaa sheegay in raggan ay meel banaanka ka ah Koontaroolka uga degeen gaariga, islamarkaana ay doonayeen in magaalada lug ku galaan.

Taliyaha ayaa tilmaamay in gaariga iyo Labada nine e la qabtayba baaritaan ku hayaan, saxaafadana loo soo gudbin doono waxa uu baaritaanka ku dhammaado.

Booliiska Puntland ayaa xoojiyey howlgallada amniga lagu xaqiijinayo, waxayna si aad ah u baaraan gaadiidka ka taga dhanka Koonfureed ee dalka.

Goobjoog News