U bood dhigaalka

Ciidamada Puntland Oo Howlagallo Ka Wada Magaalada Garoowe

Sheeko:Dalka

Ciidamada maamulka Puntland ayaa howlgallo lagu xaqiijinayo amniga waxay ka wadaan magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.

Howlgaladaan ayaa ah kuwo ka dheeri ah kuwii ay sameyn jireen ciidanka ammaanka, waxaana la arkayaa ciidamo taagan waddooyinka islamarkaana gaadiidka baaraya.

Taliyaha qeybta Booliiska gobolka Nugaal C/raxmaan Xaaji Abshir Faarax ayaa sheegay in bisha Ramadan ay aad usii xoojiyeen Ammaanka.

Sababta howlgallada loo xoojiyey ayuu taliyaha ku sheegay in looga golleeyahay shacabka Puntland ay si nabad ah ku soomaan waa sida uu hadalka u dhigaye.

Wixii ka dambeeyay bilasha bisha barakeysan ee Ramadan ciidamada Puntland ayaa aad u xoojiyey howlgallada amniga lagu sugayo.

Goobjoog News