U bood dhigaalka

Ciidamada Puntland Oo Howlgal Ka Sameeyey Magaalada Boosaaso

Sheeko:Amniga

Ciidamada Booliiska ee dowlad goboleedka Puntland ayaa waxa ay xalay howlgal ballaaran ka sameeyeen magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, waxaana howlgalkaan uu ahaa mid ammaanka lagu xaqiijinayey.

Taliyaha qeybta Booliska gobalka Bari,  Xuseen Cali Maxamed ayaa u sheegay warbaahinta in howlgalkaan ay kusoo qabteen dhallinyaro lala xiriinayo falalka amni darri ee ka dhaca magaaladaasi.

Wuxuu taliyaha tilmaamay in ciidamada ay sidoo kale baareen gaadiidka lagana fiiqayey bacaha madow, si aan loogu fulin falal amni darri ku aaddan.

Inta uu howlgalkaan socday ayaa la arkayey ciidamada Booliiska oo dadka kasoo dejinaya gaadiidka, islamarkaana baaritaanno ku sameynaya.

Amniga magaalada Boosaaso ayaa maalmihii dambe ahaa mid kasoo reynayey sidii hore, wallow mararka qaar ay dhacaan falal amniga wax u dhimaya.

Goobjoog News